Warbixinno cusub ayaa sheegaya in Itoobiya iyo Eritrea ay ciidamo milatari ku urursanayaan xuduudda ay wadaagaan, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya uu isu beddelo dagaal toos ah oo dhex mara labada dal.
Sida ay Reuters ka soo xigatay hay'adaha la socda colaadaha ee ACLED iyo International Crisis Group, iyo ilo ku dhow dhinacyada isku haya Tigray, ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegay inay gaareen meelo ay isku weerari karaan.
Waxaa jira warar sheegaya in labada ciidan ay maalmahan isku dhaceen agagaarka magaalada xuduudda ku taalla ee Badme. Hase yeeshee, Reuters ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin in iska horimaad toos ah dhex maray ciidamada labada dal.
Hay’adda ACLED ayaa sheegtay in 12-kii Nofeembar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow magaalada Badme oo la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamada Eritrea. Dhanka kale, ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen fariisimaha ciidamada Itoobiya.
Sida ay warisey hey’addu, 13-kii Nofeembar, waxaa la sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Eritrea uu isku dhac ku dhex-maray gudaha dhulka Itoobiya. Sidoo kale, ilo ku dhow xoogagga mucaaradka Tigray ayaa sheegay in iska horimaadyo goos-goos ah ay ka dhaceen aaggaas.
Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay ciidamo geysay gobolka Tigray, isla markaana ay taageero siiso xoogagga ka soo horjeeda dowladda federaalka. Eritrea ayaa eedeymahaas beenisay, waxayna Itoobiya ku eedeysay inay dacaayad u adeegsanayso marmarsiiyo ay ku weerarto Eritrea.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa Reuters u sheegay in hadallada dowladda Itoobiya ay yihiin dacaayad, balse si toos ah ugama jawaabin wararka sheegaya in labada dal ay ciidamo ku urursanayaan xuduudda. Itoobiya lafteeda ayaa ka gaabsatay ka-hadalka dagaalladan.
Magnus Taylor, oo ah falanqeeye ka tirsan hey’adda xasaradaha adduunka ee ICG,, ayaa ka digay in dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigray uu Eritrea ku sii jiidi karo colaadda. Isagoo intaas ku daray, in xaaladdani ay keeni karto dagaal toos ah oo dhex mara labada dal.
Arrintan waxay walaac ku abuureysaa gobolka Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay sidoo kale Sudan iyo Masar ku eedeysay inay taageerayaan fallaagada Tigray. Saddexda dal ee lagu eedeeyayna way diideen eedeymahaas.
